Thursday, August 11, 2022
HomeUncategorisedMusharax Daahir Geelle oo sheegay in Farmaajo diiday wada-hadal

Musharax Daahir Geelle oo sheegay in Farmaajo diiday wada-hadal

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle sidoo kalena ah Afhayeenka Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka kajira xilligaan doorashada Soomaaliya, hayeeshee ay waayeen cid ay la hadlaan.

Musharaxa oo wareysi siiyay Tv-ga  Kalsan waxaa uu sheegay in Dowladda Farmaajo ay gacanta ka laabatay ayna diiday wada-hadal, balse dhankooda ay dhowr jeer ka dalbadeen ayna waayeen  cid ay la hadlaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowlada Soomaliya aysan suurtagal aheyn inay xalka u aragto inay weerarto dadka ka aragtida duwan, balse muhiim ay tahay inay keento xal kale, waxaana uu ugu baaqay inay joojiso weerada ay ku heyso siyaasiyiinta dhaliilsan habka uu wax u wado Farmaajo.

“  Gacanteena waa ay soo taagan tahay, gacan na salaanta ayan la’anahay dowladda, iyadaa gogosha naga laabatay gogosha inay fidisaa laga rabaa oo ay nala hadasho anagane dhankeena waan kasoo dhalaaleeynaa ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Hadalka Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jer ay wada-hadallo yeesheen Xubnaha Midowga Musharixiinta & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, kuwaas oo an wax natiijo ah kasoo bixin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments