Mamaulka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uusan fashilin Shirka Afisiyooni, isla markaana uu kusoo laabto.
Qoraal kooban oo Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Afhayeenka Maamulka Puntland Jaamac Yuusuf Daparaani ayaa waxaa uu ku sheegay in Puntland weli diyaar u tahay wada-hadal, isla markaana Farmaajo ay ka dalbadanayaan in uusan fashilin Shirka Afisiyooni.
“ Waxaan ugu baaqeyna Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka ayuu yiri” Jaamac Dabaraani.
Warkan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in shirkii Afisiyooni ay fashiliyeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, balse labada Maamul ay sheegeen in uusan fashilmin shirka.