Gudoomiyihii Degmadda Xamarjajab,Maxamed Cabdi Xayle ayaa lagu dilay Weerar gaadmo ah.
Dilka ayaa dhacay xilli uu sii galayay Gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Sarkuusta.
Afhayeenka Booliska, Sadiiq Doodishe ayaa u xaqiijiyay dilka Gudoomiyaha, Waxaana dilay Koox Bastoolado ku hubaysan oo watay Mooto Bajaaj.
Gudoomiyaha la sheegay in uu ka tagay ilaaladiisa qaaska ah,islamarkaana uu ahaa kaligiisa.