Uncategorised

Madaxtooyada Koongo oo War kasoo saartay Safarka Farmaajo

Madaxtoyada Jamhuuriyadda Congo  ayaa faah fahin ka bixisay booqashada Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tegay dalkaas.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Koongo ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxdweyne Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo ahna guddoomiyaha Midowga Afrika uu saaka qabilay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Maxamed C/llaahi Farmaajo  wuxuu u yimid inuu si fool ka fool ah ula kulmo Guddoomiyaha xilligan ee AU Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo.. Wuxuu ahaa codsi ka yimid madaxtooyada Soomaaliya in booqashadan shaqo loo abaabulo.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Congo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho an horay loo sii shaacin waxa uu ku tegay dalka Koongo,waana safarkii ug horeeyay uu dalka uga baxo tan iyo markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: