Uncategorised

Puntland oo gacanta ku dhigtay Hub iyo dadkii watay

Howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Booliska Gobalka Bari ka howlgala ayaa waxay ku guleesteen in lasoo qabto hub, rasaas iyo Ragii watay, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Bari.

iyadoo ay socoto baaritaano la xiriira dadkii lagu soo qabtay Howshaan. Kadib howlgalo laga sameeyay Gudaha magaalada Bosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari  Xuseen Cali Maxamuud oo Wariyaasha la hadlay ayaa sheegay in dhamaan Ciidamada Gobalka Bari Sida Booliska’ Nabadsigid’ Madaxtooyada’Iyo PMPF’ uu uga mahadcelinaayo Howsha adag ay ka hayaan Gobalka Bari isagoona ku dhiirigaliyay in ay xoojiyaan amaanka Gobalka Bari.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay socdaan Baaritaano la xiriira dadka iyo hubka lagu soo qabtay, waxaana uu u mahadceliyay Shacabka Gobalka oo kaalin ka qaata Sugida amaanka waxana uu sheegay in ay xoojiyaan la shaqeynta ciidamadooda.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: