Uncategorised

Ciidamadii taageersanaa Mucaaradka oo ka guuray Wadada Cabdiqaasim

Ciidamo ka tirsanaa kuwa taageersan mucaaradka oo ilaalo u ahaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa isaga guuray agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, halkaas oo ay ku sugnaayeen.

Ciidamada ayaa Wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay u guureen dhinaca Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, halkaas oo, iyaga iyo Madaxda la socota ay fariisin Cusub ka sameysteen.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee Dowladda ayaa bilaabay inay furaan wadada u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka, halkaas oo horay ay dhufeysyo uga sameysteen Ciidamo ka tirsanaa kuwa taageersan mucaaradka oo ilaalo u ahaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ee Xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ka socda barakac ay sameeynayaan dadka Shacabka ah, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: