Uncategorised

DEG DEG: Farmaajo oo shaaciyey in arrinta ka soo korortay doorashada uu kula laabanyo

Madaxweyne Farmaajo oo ugu horeyn weerar afka ah ku qaday dowlado shisheeye oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dalka ay doorasho nabdoon ka dhacdo, ayaa soo dhaweeyey weeyey baaqyadii saacadihii la soo dhaafay ka soo baxay dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo ka ddhashay go’aankii ay Galmudug iyo HirShabeelle uga soo hor-imaadeen mudo kororsiga, isla markaana uu taageeray ra’iisul wasaare Rooble.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalinka Sabtiga ah ee soo socda uu hor tegi doono xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka, si uu mar kale u horgeeyo arrimaha ku soo kordhay doorashooyinka dalka.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixayaashii heshiiskii 17-kii September ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir deg deg ah si loo saxiixo qodobada harsa, iyadoo aan lagu xireyn wax shuruud ah, si buu yiri loo guda galo hir-gelinta doorasho la isla ogolyahay.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: