Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedGolaha Shacabka oo loogu yeeray Kulan uu dalbaday Farmaajo

Golaha Shacabka oo loogu yeeray Kulan uu dalbaday Farmaajo

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa kulan waxaa uu isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mudada xilheyntooda ay dhamaatay, kulankaas oo uu dalbaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa loogu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka inay soo xaadiraan Kulanka Golaha oo dhacaya 1-da Bisha May oo ku beegan Sabtida soo socota.

Sidoo kale Guddoomiye Mursal ayaa faray Xildhibaannada ku maqan dalka dibadiisa iyo kuwa ku sugan Gobolada dalka inay si deg deg ah ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho.

Kulanka Golaha Shacabka ee Maalinta Sabtida ah ayaa waxaa dalbaday oo hortegi doona Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo ka codsan doona in laga laabto muddo kororsigii labada Sano aheyd oo ay Golaha Shacabka horay u ansixiyeen uuna saxiixay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments