Monday, June 27, 2022
HomeUncategorisedSheekh Shariif oo dib ugu soo laabtay Muqdisho & kulamo uu bilaabay

Sheekh Shariif oo dib ugu soo laabtay Muqdisho & kulamo uu bilaabay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmihii la so dhaafay safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Maanta waxa uu dib ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah Xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ayaa tegay Hoyga uu dhawaan ka degay Aaga M irinaayada, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan Mucaaradka.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka hadlo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo rabshadii ka dhacay muqdisho ee sababay inay barakacaan Boqolaal qoys.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments