Thursday, August 11, 2022
HomeUncategorisedMadaxweynaha Jubbaland oo Farriin u diray dhaqaatiirta ku howlan ka hortagga COVID19

Madaxweynaha Jubbaland oo Farriin u diray dhaqaatiirta ku howlan ka hortagga COVID19

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed  Maxamed  Islaam, ayaa munaasabada 1-da May oo ah maalinta Shaqaalaha adduunka, waxaa uu ugu hambalyeeyay shaqaalaha  Jubaland .

“ Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed si gaar ahna shaqaalaha Jubaland oo mar walba u taagan shaqooyinka loo igmaday taas oo muhiim u ah adeegyada kala duwan ee Bulshada ay u hayaan” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray shaqaalaha heeganka ah si gaar ah Ciidamada ku sugan jiida hore iyo dhakhatiirta dagaalka adag kula jira caabuqa COVID19 kuwaas oo naftooda u huraya sidii ay u badbaadin lahayeen Shacabka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in kor loo qaado tayada iyo tirada shaqaalaha kala duwan iyadoo diirada la saarayo baahiyaha jira isla markana la joogtaynayo kor u qaadista xirfadahooda si shaqooyinka ay hayaan ay u noqdaan kuwo waxtar leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments