Uncategorised

Midowga Musharixiinta oo sheegay in howlaha doorashada kula xisaabtamayaan Rooble

Golaha Midowga Musharraxiinta war kasoo baxay ayaa  lagu sheegay in lagu soo dhaweynayo  in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka.

Sida oo kale Goloha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in si buuxda ugala shaqeeyaan RW Rooble qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna Goluhu hoosta ka xarriiqay in wixii ka danbeeya 1-05-2021 mas’uuliyadda doorashooyinka iyo Amniga ee dalka lagula xisaabtamayo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xukuumaddiisa.

Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhoweynaynaa go’aanka dib noqoshada muddo kororsiga, loona laabtay heshiiskii 17-ka uga September. Goluhu wuxuu u mahacelinayaa shacabka iyo ciidanka difaacay Dastuurka, kana dhiidhiyey in go’aankii sharci-darrada ahaa ee muddo kororsiga uu dhaqan galo.

Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan uga tacsiyeyneyaan culayska maalmihii tegey soo foodsaaray ee dhimasho, dhaawac iyo barakac isugu jiray, kaasoo uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo.

Goluhu wuxuu sidoo kale soo dhowaynayaa in Rai’sal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Md Maxamad Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka.

Maadaama ay ciidammadii qaranka ku kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrida ah, Goluhu wuxuu soo jeedinayaa si dib loogu mideeyo ciidanka in xukuumaddu magacawdo hoggaan mideyn kara ciidanka, abuuri karana kalsooni dhexdooda ah. Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si hore iyo wuxuu ku dadban, Madaxweynihii xulafadiisa.

Goluhu boorrinaayaa Rai’sal Wasaare Roble in uu qaado tallaabooyin muujinaya in uu amniga dalka u madaxbannaan yahay, si uu u kasbado kalsoonida cidanka, siyaasiyiinta, shacabka iyo beesha caalamkaba. Goluhu wuxuu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo Rai’sul Wasaaraha qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna diyaaru yahay ka qaybgalka shirka wadatashiga, si uu miiska u soo saaro tabashooyinka ku aaddan fulinta heshiiska 17-ka Sebteembar.

Golaha waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in wixii ka danbeeya 1/5/2021 uu  mas’uuliyadda doorashooyinka iyo Amniga dalka lagula xisaabtamayo Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa.

 

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: