Uncategorised

RW Rooble” Xukuumaddeyda waxaa ka Go’an Badqabka Suxufiyiinta”

Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Suxaafadda Adduunka Awgeed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu yiri” Waxaan ku ammaanayaa ugana mahadcelinayaa suxafiyiinta Soomaaliyeed geesinimada iyo sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan dadkoodana xog siiyaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaadaha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka shaqeyneyso in la sii horumariyo jawi ku habboon oo ay saxafiyiintu howlahooda ugu gudan karaan sida ugu wanaagsan iyo in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin.

“Waxaa naga go’an in aan dhowrno bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeennu galayo xaalad doorasho, taas oo saxafiyiintana saareysa mas’uuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn ayuu yiri” RW Rooble.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: