Uncategorised

Wafdiga Qatar oo Maanta la kulmaya qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada

Iyada oo Magaalada Muqdisho ay kulamo kala duean ka wadaan wafdiga ka socda Dowladda Qatar ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah inay la kulmaan qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa la kulmi doono Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle. Sidoo kale Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa isagana Maanta ka soo kicitimaya Baydhabo, si uu Ergeyga ula kulmo.

Wafdiga Qatar ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada kala hadli doona Arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya iyo caqabadaha weli hortaagan qabsoomideeda.

Al-Qahtani ayaa kulamo gaar gaar la yeeshay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, sida Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyeyaasha labada Aqal iyo Madaxweyne Farmaajo, inkastoo kulankaas la qariyay, iyo Midowga Musharixiinta.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay uga cudur daarteen inay Muqdisho ugu yimaadaan Wafdiga Qatar, isla markaana ay macquul tahay inay Wafdiga Watat tagaan Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: