Uncategorised

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay wada-hadallo la fureyso dowladda Kenya

Kadib markii dowladda Soomaaliya 6-dii Bishaan ay ku dhawaaqday inay dib  soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay dowladda Soomaliya inay wada-hadallo la fureyso dowladda Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in markii hore sababta keentay in Kenya xiriirka loo jaro ay keentay faragelin ay ku sameeysay arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhegaha ay ka fureysatay baaqyo ay u jeediyeen.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiirka in wada-hadallo toos ah ay la furi doonaan dowladda Kenya, arrintaasna ay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya wadi doonto si loo dhameeyo mad madowgii ka dhex-jiray labada dowladood.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kusoo aadayaa xilli dowladda Qatar ay ka dambeysay in dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in dib ay u soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay Kenya oo ay horay u jartay dowladda Soomaaliya.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: