Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedMadaxweynaha Hir-Shabeelle oo qiray in xaalad adag ka jirto Magaalada Jowhar

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo qiray in xaalad adag ka jirto Magaalada Jowhar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in xaalad aad u daran ay xilligan kajirto Magaalada Jowhar iyo tuulooyinka hoostaga, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay uu Wabiga Shabeelle aad uga fatahayay.

Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay shalay magaalada Jowhar ayaa sheegay in fatahaado uu aad u sameeyay dadka ku nool Gobolka Sabeellaha dhexe, sidoo kalena ay dareemayaan xaalad adag, isla markaana dalagyada beeraha uu baabi’iyay fatahaada Wabiga.

Waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto loogana hortago fatahaada, waxaana uu hadalkisa uu intaasi ku daray in Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe looga baahan yahay inay wax ka qabtaan dhibaatada kajirta Magaalada Jowhar.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada Jowhar ay gashay xaalada Go’doon ah, isla markaana wax gaadiid ah galeyn kana soo baxeyn kadib markii Xaafadaha qaar ee Magalada Jowhar iyo tuulooyinka hoostaga uu ku fatahay Wabiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments