Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedFarmaajo oo u ambabaxay dalka Uganda

Farmaajo oo u ambabaxay dalka Uganda

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Uganda waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments