Tuesday, June 28, 2022
HomeUncategorisedMadaxweynaha Galmudug oo kulamo ka wada Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug oo kulamo ka wada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Gaalkacyo kula kulmay qaar kamid ah qeybaheeda kala duwan sida ganacsatada Culimada iyo dhalinyarada ku dhaqan mMagaalada.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay ganacsatada reer Galmudug maalgalinta ay ku sameeyeen deegaanka asagoona ku dhiirogeliyay iney sii ballaariyaan maalgashiga iyo ganacsiga xorta ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa sidoo kale waxaa la filaaa in kulamada uu halkaasi kasii wado, sida Maamulka, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug ayaa Gaalkacyo u tegay dejinta xiisad ka dhalatay dil & Afduub loo geystay Seekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa maamulihii Xarunta Daryeelka Agoonta Ee Gobolka Mudug.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments