Warar

Shirka Gollaha Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka oo Maalintii labaad galay

Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah DFS oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho, oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii Labaad.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay shalay markii  uu kulanku soo dhamaaday waxa wuu yiri “Waxaa  si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha DG & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahad celinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka”.

Kulankii shalay ayaa kaliya ahaa mid is arag ah, hayeeshee waxaa la filayaa in Maanta dhinacyada ay guda galaan caqabadaha heysta doorashada Soomaliya, sida Arrimaha Gobolka Gedo iyo doorashada kuraasta gobolada Waqooyi, iyada oo saldhig looga dhigayo heshiiskii 17-kii Werptember iyo kii Gudiyada farsamo ku gareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shalay ayaa waxaa jirtay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada ayaa ahaa in heshiis horudhac ah shirka lagu gaaray, hayeeshee Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimoow uu beeniyay Wararkaas.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo shalay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu shir guddoominayay kulanka, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Markii la so geba-gabeeyo Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah DF ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan heshiiska doorashada Soomaaliya.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: