Monday, June 27, 2022
HomeWararlaamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Nin weerar geystay

laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Nin weerar geystay

Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ku sugan Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigern Nin xalay weerar bambaano ku qaaday xarunta Baarlamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle..

Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen ay ninkaasi qabteen, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Bamka ayaa waxaa lagu tuuray gudaha xarunta baarlamaanka oo ku taal ka soo horjeedka saldhigga booliska magaalada Jowhar, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in weerarkaas uusan ka dhalan khasaaro.

Maalmihii la soo dhaafay amaanka Magalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa laga deeyrinayay, waxaana dhawaan ku dagaalamay Ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka carooday xarig loo geysrtay taliyahooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments