Warar

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Afisiyooni

Waxaa weli Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka socda Shirka wadatashiga doorashooyinka ee u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed.

Shirka oo Muqdisho ka furmay Sabtidii todobaadkaan ayaa waxaa la sheegay in horumar ballaaran ay dhinacyadu ku gaareen, balse caqabada koowaad ee shirka ay tahay khaafka siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee salka ku haaya doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ee lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

Saddexdii Cisho ee la soo dhaafay ayaa Madaxda shirka waxaa ay ka doodeen qodobadii fashiliyay shirarkii hore, sida arrinta Gobolka Gedo, Arrinta doorashada Gobolada Waqooyi iyo arrintii Guddiyada doorashada ee lagu muransan yahay, waxaana wararka la helay ay sheegayaan inta badan la isku fahmay qobadii ay Madaxda ka doodeen ee la xiriiiray Arrimaha doorashooyinka.

Madaxda ku shireysa xerada Afisiyooni ayaa maalmaha soo socda ka wada hadli doona sidii xal looga gaari khilaafka u dhaxeeya labada garab ee siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi si markii la xaliyo Maalinta khamiista ah loo qabto munaasabad weyn oo lagu saxiixayo heshiiska doorashada.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: