Warar

Xafiiska QM ee Soomaaliya oo soo bandhigay xogta weerarkii Al-Shabaab ee Xabsiga Boosaaso

afiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in weerarkii Alshabaab  bishii march ay ku qaadeen xabsiga magaalada Boosaaso ay ku sii daayeen 337 maxaabiis ah oo ay 140 kamid ah u xirnaayeen dambiyo la xiriira a argigixisnimo.

Toban kamid ah maxaabiistaas ayaa ahaa dumar.

Taliyihii xabsiga Bosaso, 7 katirsan ciiddanka amniga iyo Labo askari oo ciiddanka asluubta Puntland kamid ah ayaa ku dhintay weerarkaas. Halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay weerarkaas inuu kamid ahaa weerarro heerkoodu sareeyo oo ay Alshabaab ka geysteen Soomaaliya.

Xogta weerarkaan ayaa qeyb ah warbixin saddex bilood leh oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, taasoo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu maanta ka horjeedinayo golaha ammaanka QM.

Dhinaca kale, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ururka Daacish uu bishii abril saddexdeedii  ciidamada Puntland la beegsaday weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhinteen  Laba askari.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: