Monday, June 27, 2022
HomeWararShir u socdo Guddoomiyaha Aqalka Sare & Midowga Musharixiinta

Shir u socdo Guddoomiyaha Aqalka Sare & Midowga Musharixiinta

Waxaa haatan uu kulan u socdaa Hoggaanka Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyrre, Cabdikariin Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa goob-joog ka ah kulanka.

Kulanka oo ka socda Hoyga uu degan yahay  Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ujeedkiisu tahay sidii Madaxda Midowga Musharixiinta ugu qancin lahaayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi ka qeybgalka munaasabadda saxiixa heshiiska doorashada & qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddiga farsamada ee loo xilsaarayo xallinta arinta xildhibaanada gobolada woqoooyi ee uu diidan yahay.

Munaasabad lagu soo xirayo shirka wadatashiga doorashooyinka ayaa la filayaa inay ka bilaabato Teendhada Afisiyooni, iyada oo weli aysan tegin Madaxda Shirka ka qeyb geli laheyd.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments