Warar

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ugu baaqay madaxda dalka xalinta cabashada waalidiinta carruurtooda maqan yihiin

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku soo hadal qaaday khudbadii  shirka Golaha Wadatashiga Qaran waalidiin Soomaaliyeed oo maalmahaan ka hadlayay warbaahinta gudaha kana cabanayay dhalinyaro ay dhaleen oo la sheegay in loo waday tababar ciidan hase yeeshee aaney ilaa iyo hadda wax war ah laga haynin.

Waxaa uu sheegay in waalidiinta ay qabaan cabasho xooggan oo aysan ogeyn meel ay jiraan carruurtii ay dhaleen.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in waalidiinta cabanaya ay sheegayaan in qaarkood ilmahooda aysan arkin muddo labo sano ah .

Madaxda sare ee dalka ayuu gudoomiyaha Aqalka Sare ka codsaday in ay u jawaabaan waalidiinta cabanaya ee aan caruurtooda war iyo wacaal midna ka haynin.

Waxaa uu sheegay in haddii laga jawaabin ay ka dhalan doonto in ay sii waddaan banaanbaxyada dowladda uga soo horjeeddaan.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: