Warar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo xilkii laga qaaday

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ahna kusimaha madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa waxaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

Warqada ayaa sidoo kale lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday Wasiirka ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Xil ka qaadistan Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Galmudug ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay, taas oo sababtay gacan ka hadal.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: