Monday, August 15, 2022
HomeWararGuddigii Farsamada ee dhismaha golayaasha degaannada Galmudug oo la kala diray

Guddigii Farsamada ee dhismaha golayaasha degaannada Galmudug oo la kala diray

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha guddaha Maamulka Galmudug ayaa kala diray guddigii farsamada dhismaha Goleyaasha deegaanada Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay sababta Guddiga dhowr qodob oo kala ah.

1: Kaddib Markay Caddaatay khilaafka ka dhex jira Guddoonka Guddiga iyo Xubnaha kale o0
gaaray heer aad u sareeya;

2: Kaddib Markay Wada-shaqeyn la’aanta ka dhex jirta Guddoonka Guddiga iyo xubnaha kale
ee Guddiga iskuna khilaafay hab-raaca dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Balanballe.

3:Kaddib Markaan arkay xadgudubyada lagu sameynayo qoraallada iyo hadallada Madaxda
sare ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

4: Kaddib Markaan la tashi ballaaran la sameeyey bulshada iyo Madaxda Galmudug, in la go’aan saday in la kala diro Guddigii Farsamada ee dhismaha golayaasha degaannada Galmudug.

Arrintan ayaa kusoo aadey iyadoo Gudigan uu  qorsheynayay in uu Balanballe Maanta ku qabto Guddoomiyaha Golaha degaanka degmadaas iyo kuxigeenadiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments