Warar

Gaadiid farabadan oo ku xayiran duleedka Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka Magaalada ay Maanta lu xayiran yihiin Gaadiid farabadan oo sida Agab kala duwan.

Gaadiidkaan oo sida Xoolo farabadan kuna sii jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa lagu sheegay sababta ay u xayiran yihiin kadib markii Gadiidka lagu Canshuuray Suuqa Xoolaha kadibna mar kale Cashuur dheeri ah lagu weeydiiyay Kastamka Garoknka, balse ay ka biya diideen.

Milkiilayaasha Gaadiidka ayaa waxaa ay sheegeen in aysan laba canshuur ku bixin karin Gudaha Magaalada Beledweyne oo halkii mar dhan 300 oo dollar, taas oo keentay in Gaadiidleyda ay gadood sameeyaan.

Gaadiidkaan ku xayiran duleeeka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli
uu jiro khilaaf dhanka awooda Maaliyadda oo u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobolka HHiiraan iyo Kuxigeenkiisa Maaliyada.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: