Warar

Natiijada doorashada mid kamid ah degmooyinka aad ka loo sugayay ee Somaliland oo lagu dhawaaqay

Waxaa isa soo taraya ku dhawaaqista natiijooyinka doorashada Soomaaliland ee Golaha Wakiilada iyo degaannada, kaas oo ay ku tartameen musharixiin aad u farabadan.

Guddiga doorashooyinka Heer degmo ee Soomaliland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmada Gabilay.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa agu sheegay in uu hoggaaminayo xisbiga talada haya ee Kulmiye oo helay 5 xildhibaan, halka xisbiyada UCID iyo Waddani ka heleen min 4 xildhibaan, waxaana ay kamid aheyd degmada Gibiley degmooyinka sida weyn ugu tartameen Xisbiyada.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Guddiga doorashooyinka Heer degmo ee Soomaliland inay ku dhawaaqaan natiijada horudhac ah ee doorashada Golaha Wakiilada & degaanka ee qaar kamid ah degmooyinka Somalialnd.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: