Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Malain Nuur ee degmada Dharkeenleey, gar ahan meel u dhow Ex-koontorool Afgooye.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa qof isku soo xiray waxyaabah qarxa, kaas oo isku qarxiyay Goob laga raaco Gadiidka aada degmada Dharkeenleey, isla markaana dhagxaan ay ku xireen laamaha Amniga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad isugu jiray Gaadiidley iyo dad doonayay inay raacaan.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo gurmad kala duwan loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: