Monday, August 15, 2022
HomeWararMaamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay saameynta ka dhalatay fatahaadaha

Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay saameynta ka dhalatay fatahaadaha

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada dowlada oo tdobaadkiiba marlagu qabto Magaalada Jowhar.

Shirka golaha Wasiirada ayaa warbixino looga dhageystay wasaaradaha Beeraha,  Caafimaadka, Biyaha, Haweenka, Ganacsiga, gargaarka , Qorsheynta iyo Waxbarashada.

Inta badan shirka golaha wasiirada ee maanta qabsoomay waxaa looga hadlayay saameynta fatahaadaha ay ku yeesheen deegaanada hirshabeelle iyo sidii loogu gurman lahaa dadka aay barakiciyeen fatahaadaha.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen  ayaa faray golaha wasiirada ineey labo jibaaraan howlaha gurmadka ee la garsiinayo dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments