Monday, May 29, 2023
HomeWararRooble oo Imaaraadka kala hadlay u gurmashada dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga...

Rooble oo Imaaraadka kala hadlay u gurmashada dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo sanadihii la soo dhaafay ahaa mid aan wanaagsaneyn.

Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii Dowladda Imaaraadka  kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo degaannada hoostaga.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka ay la leedahay Madaxda Dowladda Soomaaliya, iyada oo joojisay howlo tababar Ciidan iyo gurmad ah oo ay ka sameyn jirtay Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments