Thursday, August 11, 2022
HomeWararMaxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Wakiilka Qaramada Midoobay

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Wakiilka Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federxilgaarsiinta Maxmed Xuseen Rooble ayaa  la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay hirgelinta doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha, Gurmadka dadkii ku waxyeelloobay fatahaadaha  & xakameynta caabuqa Covid-19.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyar u tahay inay dowladda Soomaaliya ka taageerto hirgelinta doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federxilgaarsiinta Maxmed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Wakiilka QM ee Soomaaliya sida ay ula Shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments