Thursday, August 11, 2022
HomeWararDuulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad ay ay dib u bilaawdeen duulimaadyada.

Tallaabadaan ayaa ka dambeeysay kadib markii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay soo celiyeen xiriirkii diplumaasiyadeed, isla markaana Kenya ay maalmo ka hor sheegtay inay fasaxday duulimaadyada labada dal oo ay horay u joojisay.

Qoraalo is xig xigay oo kasoo kala baxay Wasaaradaha Arrimaha dibadda ee Soomaaliya & Kenya ayaa lagu sheegay inay soo celiyeen xiriirkooda, waxaana Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya lagu sheegay inay fureyso safaaradeeda Magaalada Nairobi.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa khilaafkooda uu muddo soo jiitamayay, waxaana dhowr jeer ay sababtay in midba midka kale uu xiriirka u jaray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments