Thursday, August 11, 2022
HomeWararMaxkamad sare ee Somaliland oo dalbatay muddada la ansixinayo golayaasha la soo...

Maxkamad sare ee Somaliland oo dalbatay muddada la ansixinayo golayaasha la soo doortay

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa soo saartay warqad ay ku dalbaneyso in muddo cayiman loo qabto xilliga la ansixinayo xubnaha golayaasha deegaanada Somaliland ee la soo doortay iyo wakhtiga ay yeelan karaan fadhiyadooda ugu horreeya.

Maxkamadda oo warqad toos ugu socoto wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland soo saartay ayaa sheegtay wasaaraddu iney soo sheegtay wakhti la ansixinayo xubnaha lagu soo doortay doorashadi ka dhacday Somaliland 31-kii bishii May.

Doorashada Somaliland ka dhacday bishii May oo baaqatay laba jeer oo hore ayaa waxa ay noqotay tii todobaad ee Somaliland ka dhacdo tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 30 sanadood ka hor.

Doorashada Golayaasha wakiillada iyo Deegaannada Somaliland ayaa ku soo dhammaatay si nabad gelyo ah sida ay sheegeen xukuumadda iyo guddiga doorashooyinka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments