Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Warraka kulanka laga helay ayaa sheegaya in labada mas’uul ay ka wada hadleen soo dhamaystirka gudiga Doorashada Galmudug iyo Isku shaan-dheyn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada maalmaha soo socda.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo kuxigeenkiisa Arimaha Amniga Doorashoyinka soo wajahan iyo dardargalinta la dagaalanka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa todobaadyadii la soo dhaafay safari ku kala bixinayay dalka turkiga iyo Magalada Muqdisho, waxaana shalay Gelinkii dambe uu dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb.