Thursday, August 11, 2022
HomeWararPuntland oo sheegtay inay la wareegtay Saldhig weerarada kasoo abaabuli jireen Al-Shabaab

Puntland oo sheegtay inay la wareegtay Saldhig weerarada kasoo abaabuli jireen Al-Shabaab

Ciidamada difaaca ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay la wareegeen talis Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada oo ku yaal Gobolka Bari.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada lagula wareegay Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

“ Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Puntland ee PMPF ka qabteen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF.

Taliska Ciidamada PMPF ma shaacin dagaal dhex-maray Ciidamada iyo Al-Shabaab, hayeeshee kaliya ay sheegeen inay saldhigaas kala wareegeenUrurka Al-Shabaab.

Howlgalkan Cidamada Difaaca Puntland ay ka sameeyeen dhlka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliyaan meelo kamid ah Gobolkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments