Warar

Wararkii ugu dambeeyay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee ka furmaya Muqdisho

Maanta oo Sabti ah ayaa qorshuhu yahay in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshan golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban, Ra’iisul Wasaare rooble, madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed & gudoomiyaha Gobolka Banaadir, hayeeshee ay u muuqato in uu dib u dhacayo shirkaas.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May, waxana uu ka dhashay kadib kulanka khadka I nternet-ka ah oo ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxda dowlad Goboleedyada kajooga  madaxweynaha Koonfur Galbeed cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo shalay soo gaaray, taas oo keeneysa in uu shirka dib uga dhaco waqtigii loo qorsheeyay.

Madaxweynayaasha Maamulada, Puntland, Jubbaland, Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa waxaa la filayaa inay soo gaaraanb magaalada Muqdisho, waxaana Warar soo baxaya ay sheegayaan in dib u eegis lagu sameeynayo qaar kamid ah qodobadii heshiiskii doorasho ee la gaaray 27-kii  Bishii May.

Howlaha doorashooyinka Soomaaliya ee loo xilsaaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilligaan meel wanagsan maraya, iyada oo dhawaan la filayo in guud ahaan dalka ay ka bilaawdaan howlaha doorashooyinka ee Xildhibaannada labada Aqal.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: