Waxaa weli hakad kujira oo aan qabsoomin shirkii ay ku balan sanaayeen in uu u furmo Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo Sabtidii uu dib u dhacay, balse shalay uu markale dib u dhacay kadib markii uu shirka diiday ka qeb galkiisa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in xalay ay yeesheen kulan khadkantaleefonka ahaa, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Galmudug oo wada jooga iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ku maqan dalka Turkiga, waxaana kulanka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qanciyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roible ayaa dadaal ugu jira qabsoomida shirka si oo bilaabo dardar gelinta howlaha doorashooyinka