Warar

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo sirasmi ah loo furay

Waxaa dib loo furay muddo lix bilood ah kadib safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib xal laga gaaray khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhaxeeyay dowladaha Soomaliya iyo Kenya.

Munaasabad lagu furayay safaaradda oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah Safiirada dallaka Caalamka, mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya iyo qaar kamid ah bulshada Soomaalida.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Amb, Maxamuud Axmed Nuur ( Tarsan) ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu waligiis ahaa mid isbedbdelaya oo marna xoogeysanaya marna hoos u dhacaya, isla markaana labada dowladood aysan kala go’i karin.

Sidoo kale Amb, Tarsan waxaa uu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya si rasmi loo furay, hayeeshee Maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan ay shaqa bilaabi doonto, waxaana Soomaalida ugu baaqay in ay adeegyada ay u baahan yihiin kasoo doonan karaan Xarunta Safaaradda.

Muddo ka badan lix bilood ayay xirneed safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi kadib khilaaf diblumaasiyadeed oo soo kala dhex-galay Soomaaliya & Kenya, balse dhawaan xal laga gaaray, iyada oo dowladda Kenya ay kal hore dib u furtay safaaradeeda Magaalada Muqdisho.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: