Warar

Loolanka gudoomiyaha guddiga doorashada ee la dooranayo maanta iyo Villa Somalia oo wadata musharax

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) oo uu 19-June-2021 magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muuse Geele Yuusuf waxa uu u doortay guddoomiye KMG ah oo fududeynaya doorashada guddoomiyaha iyo kuxigeenka FIEIT si loo fududeeyo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka.

Sida lagu sheegay War ka soo baxay guddiga FIEIT Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban-qaabada iyo qabashada doorashada guddoonka guddiga

Muuse Geele guddoomiyaha KMG ah ayaa dhisay guddi ka kooban shan 5 xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka oo dhici doonto maanta oo Axad ah, 4-July-2021.
Guddoomiyihii hore  ee guddigan Maxamed Xasan Cirro ayaa u sheegay idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii guddoomiye ee guddigan oo loo doortay November-2020, isagoona ku wareejiyey guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: