Warar

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay xiisada ka taagan Beledweyne

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya  ayaa Baaq nabadeed u diray Bulshada Reer Baladwayne, kaas oo ku aadan xiisada u dhaxeysa Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaadka janeraal Xuud.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa lagu sheegay in Bulshada Reer Beledweyne looga baahan yahay inay tabashadooda si nabad ah ku sheegtaan oo ay ka fogaadaan waxkasta oo xasilooni darro keeni kara.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay socdaan dadaalo wax looga qabanayo xaalada ka taagan beledweyne si jawi nabadeed loogu wada hadlo.

“Wasaaradu waxay ugu baaqeysaa Duubabka, Nabadoonada, Culimaa’udiinka, Ganacsataga, Haweenka iyo Dhalinyarada in ay isu taagaan iyagoo iska kaashanaaya soo celinta iyo adkeynta xasiloonida maadaama dalku doorasho aaday beled-weynanan ay ka mid tahay goobaha deegaan doorashada loo asteeyay ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasiirka.

Ugu dambeyn wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa ku booriyay Bulshada inay ka fogaadaan wax kasta oo xasiloonida wax u dhimaayo., isaga oo sheegay inay wadaan qorshe balaaran oo dib u heshiisiin ah oo ay hoggaaminayaan  waxgaradka & duubabka Gob olka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka taagnaa xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyadka Janeraal Xuud, kuwaas oo siweyn uga soo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: