Warar

Ciidamo howlgal qorsheysan ka sameeyay duleedka Magaalada Beledweyne

Ciidamada Ammaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinayay  waxaa ay ka sameeyeen degaano ku yaal duleedka Galbeed  ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howgalka oo u hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Maxamed Cabdiraxman kheyre, ayey Ciidanka Ka sameyeen Degaanada, baali, burjada ciinta, doon Maleeyka, oo 25 KM dhanka Galbeed  ugu bageen Magaalada Beledweyne.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Maxamed Cabdiraxman kheyre ayaa ciidamada Ammanka ku bogaadiyay xaqiijinta howlaha sugida Amaanka ee ay kawadaan Magaalada Beledweyne iyo  Degaanada hoosyimaada.

Sidoo kale waxaa uu Ciidamada ku amray inay dardar geliyana howgallada iyo sugida amniga maadaama Magaalada Beledweyne ay kamid tahay Gobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashoyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hwlgalkan Ciidamada Ammaanka Hir-Shabeelle ka sameeyeen duleedka Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli malmihii la soo dhaafay Beledweyne ay kajirtay xiisad dagaal oo u dhaxeeysay Ciidamada Ammaanka & maleeshiyaadka Janeral Xuud wallow xaalada haatan ay tahay mid degan.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: