Warar

Maamulka Hir-Shabeelle oo shuruud ku xiray doorasho ka dhacda Beledweyne

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in dadka Reer Hiiran & mas’uuliyiintooda ay daneeynayaan in doorasho ka dhacdo Beledweyne.

Hayeeshee ay jiraan caqabado dhowr ah oo hortaagan, kuwaas oo uu sheegay inay qeyb ka tahay in amniga Magaalada Beledweyne uu noqdo mid aan la iskau haleyn karin.

Yuusuf Dabageed oo kulan uga qeyb galay magaalada Beledweyne ayaa shuruudo ku xiray in Beledweyne lagu qabto doorashada Xildhibaannada labada Aqal, kuwaas oo ay kamid yihiin, in Madaxweyne Cali Guudlaawe yimaado Beledweyne, in amni la helo, waxana mas’uuliyiinta & Bulshada Reer Hiiran uu ugu baaqay inay ka hortagaan kuwa doonaya inay amniga khalqal geliyaan.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kusoo aadaya xilli Janeraal Xuud iyo Ciidamo uu wato ay kasoo horjeesteen in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Magaalada Beledweyne.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: