Warar

Guddiga Maamulaya doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo guddoon doortay

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta oo Arbaco  ah kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada Banaadiriga, iyaga oo Maanta kulankooda ku doortay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa  xilka gudoomiyaha isku soo taagay Marwo Sacdiyo Aweys Cali Boolay, waxaana iyada oo aysan jirin cid la tartantay oo ku guuleystay guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka maamulaya doorashada xildhibaanada Banaadiriga, iyada oo heshay 11 Cod.

Xilka jagada guddoomiye ku xigeenka Gudiga ayaa  waxa isku soo sharaxay Maxamed Xaaji Maye, waxaana , iyada oo aysan jirin musharax kale oo kula tartamay jagaadan uu helay 11 Cod, isaga oo noqday Guddoomiye kxuigeenka Guddiga doorashooyinka maamulaya doorashada xildhibaanada Banaadiriga.

Horay waxaa Guddoon u doortay Guddiyada doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Maamulada, Koonfur Galbeed, Galmudug , Puntland waxaana la filayaa in sidoo kale ay dhacdo doorashada Guddoonka Gudiyada doorashada, Hir-Shabeelle,Jubbaland, guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: