Saturday, June 25, 2022
HomeWararLiibaan Maxamed Cabdi oo maanta shaaciyey musharaxnimadiisa xildhibaan ee kursiga Hop 102.

Liibaan Maxamed Cabdi oo maanta shaaciyey musharaxnimadiisa xildhibaan ee kursiga Hop 102.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad uu musharaxnimadiisa Xildhibaan uu ku shaacinaye Liibaan Maxamed Cabdi oo u tartamaya kursi uu tirsigiisa yahay Hop 102, islamarkaasina lagu dooran doono magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Kulan ayaa ahaad mid ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan bulshada kursiga wax ku leh, sida Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Haweenka.

Ugu horreen odayaasha dhaqanka ee madasha kuwada sugnaa iyo dhalinyarada ayaa si isku mid ah u sheegay in garab taagan yihiin Musharax Xildhibaan Liibaan, islamarkaasina waxaa ay u hibeeyeen in uu noqdo mudanaha matali doono 4 sano ee soo socota.

Gabagabada munaasabada waxaa hadal jeedintiisa qaatay Musharax Xildhibaan Liibaan Maxamed Cabdi, waxaana khudbadiisa diirada uu ku saaray waxa u qaban doono hadii la doorto, gaar waxaa uu sheegay in laga heli doono matalaad dhab oo dadka iyo degaankiisaba ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments