Warar

Booliska Maamulka Puntland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gaalkacyo

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgallo qorsheysan waxaa xalay saqdii dhexe ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan dhinaca Waqooyi ee Magalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dhan ahaa kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga.kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay siweyn ugu soo batay Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay Ciidamadu beegsadeen shabakado ka gacacsada Khamriga laga keeno gudaha waddanka Itoobiya, kuwaas oo qaarkood ay gacanta ku dhigeen.

Dad ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen inay arkayeen Ciidamada Booliska oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo Guryaha qaar gelayay, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan ogeyn waxyaabo ay kusoo qabteen howlgallada.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Booliska Puntland iyo Kooxo hubeysan oo ka Ganacsada Maandooriyaha Khamriga, waxaana Puntland ay bilaawday howlgallo lagu soo afjarayo Kooxahaas.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: