Sunday, June 26, 2022
Home Blog

Khasaaraha dagaalkii Boosaaso kasoo kala gaaray ciidamada Puntland iyo PSF oo la ogaaday

0

Dagaalkii u dhaxeeyey ciidamada PSF iyo kuwa Puntland ee maanta ka qarxay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa hadda qaboobay, iyadoo rasaas goos-goos ah weli laga maqlayo gudaha magaalada.

Dagaalkaas oo saacado socday ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoog leh oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayey iyo dad Shacab ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dagaalka oo barqanimadi maanta ah ka bilowday Boosaaso ayaa lagu soo waramaya in illa iyo hadda inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen Saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin Shacab.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidamada Puntland ay dhankooda uga dhaawacmeen 6 askari, halka kuwa PSF uu dhaawac ka soo gaaray 8 askari, dadka shacabka ah ee dagaalka ku dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay tiradoodu gaareyso 7 qof.

Maamulka magaalada Boosaaso ayaa dhankooda ku eedeyay in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamada Gorgor ee dolwadda feeraalka Soomaaliya, islamarkaana ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada.

Ciidamada PSF ayaa sheegtay inay la wareegeen xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso iyo xaafadaha u dhow dhow, inkasta oo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashadooda.

Can drought and election go hand in hand?

0

“With about 2.3 million people already suffering with serious water, food and pasture shortages in Somalia, a rapidly worsening drought could lead to an “extreme situation” by next year.” – UN

Drought has hit Somalia and already forced an estimated 100,000 people to flee their homes in search of food, water and pasture for their livestock. And this disaster is happening while Somalia kicks off its long-delayed elections, and all the people’s attention has been about election only.

Nature is often kind to us, and covers us with its gifts, just as it makes us feel worse sometimes.

The thirst, hunger, misery and destruction, which is caused by this drought is something which has been consistent with our people, and it happens year by year.  With No vision either from the central or state governments.

Our politicians are spending a lot of money on campaigns, while the people they are going to lead are dying of starvation, starvation and starvation.

There’s a bird Somalis call “HUUR/XUUR” which is ridiculed, for not being very observant, and when asked “hey Huuto, when do you get hurt?”  She replies: “When two stones hit me, and one is misses!”. Do you think our politicians are like that bird and they are not aware of the situation of their people.?

Nearly 30,000 clan delegates are assigned to choose the 275 MPs for the lower house, while Somalia’s five state legislatures elect senators for the 54-member upper house.

Consciences, tenderness, warmth, care and humanity.  Should have been the symbol of anyone running for Election, but we have not seen anyone who is speaking about this droughts from all those who running the lower house or the nearly 30,000 clan delegates or any other politicians who are busy with the election.

I wonder, an intelligent person, knowledgeable and insightful, sensible and humane, will not be spending a quarter a million for an MP seat, which he/she may won or not, while his people are dying with famine.  For one thing, it is certain that all these black-headed, empty-minded, single-minded politicians are not honest and all they want is to loot when they got elected.

Certainly, there is a need for leadership, yet, when several greedy people spend millions of dollars in unqualified positions, and the drought-stricken people only need half that money.

 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo muqdisho soo gaaray

0
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay
 ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubaland.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay
arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta,
xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

PUNTLAND oo ku gacan seertay dalabkii beesha Murusade

0

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u jaawabay beesha Murusade oo dhowaan soo saartay digniin ku aadan rag siddeed ah oo ay Puntland ku xukuntay dil toogasho ah.

Sanyare oo ka qeyb-galayey munaasabad gaar ah oo ka dhacday Mudug ayaa shaaca ka qaaday in dadka u doodaya xukumanayaasha ay soo adeegsadeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay, isla-markaana ay doonayaan inay difaacaan rag ‘dambiileyaal ah’.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan laheyn cadow aan aheyn Al-Shabaab, isla-markaana uusan jirin qabiil gaar ah oo uu dagaal kala dhexeeyo.

“Nimanka hadda loo qeylinayo 2012-kii ayey Gaalkacyo yimaadeen, Shabaab ayaa kawaanka u furay dadka laaya iyaga yiri, bistooladaha iyaga ayaa u geday. 2012-kii ninkii ay ugu dambeysay baa Shabaab wuxuu yiri shir jaraa’id qabta oo waxaad tiraahdaan wiilal baa Gaalkacyo noolaga heestaa waxaa Shabaab aheyn oo aan cadow nahay ma jiro,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dhanka Puntland.

Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ku gacan seeray dalabka ka soo yeeray beesha Murusade, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan sii deyn doonin ragga haatan la xukumay ee loo heesto inay ka tirsan yihiij kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in cid kasta oo ay maxkamaddu xukunto ay tahay in lagu fuliyo xukunka lagu riddo markaasi.

Maxay ka wada-hadleen ROOBLE iyo odayaasha dhaqanka Garbahaarey?

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo ku aadan u jeedka socdaalkiisa.

Rooble ayaa si gaar ah u qaabilay odayaasha dhaqanka ee degmada Garbahaarey, wuxuuna marka hore ka dhageystay warbixin ku aadan xaaladda magaaladaasi iyo sida looga gudbi karo khilaafaadka xoogan ee ka jira halkaas, maadaama la galayo doorasho.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay waxgaradka Garbahaarey dadaallada dib u heshiisiinta ee ay xukuumaddiisa ka bilaabeyo gobolka Gedo iyo arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan soo xulista kuraasta labada aqal ee taalla magaaladaasi.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Ugaas Maxamed Ugaas Haashi Ugaas Xirsi, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo qeyb ka ah socdaalka Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Ugaaska uga mahad-celiyay kaalintiisa nabadeynta, dib-u heshiisiinta iyo isku haynta bulshada ku dhaqan gobolka Gedo ee koonfurta dalka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa ugu baaqay dhaqanka Gedo inay xoojiyaan dadaallada ay wadaan, si looga gudbo caqabada ka jira gobolkaasi.