Technology
Lifestyle
Popular News

Trending News
Travel
Gadgets
Health
More News
Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab
Ciidamada kumaansooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen degaanka gamboole oo qiyaastii 48 kiilo mitir u jira
Goorma ayuu dhacayaa banaan-baxa ay Rooble iyo mucaaradka ku heshiiyeen?
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xalay khudbad ka jeediyey markii uu soo dhamaaday shirkii xukuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga
Maxkamadda Ciidamada oo xukun riday
Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa Maanta Xukun Dil ah Ku ridey askari ka tirsan Ciidmada Booliska Dowlad Goboleedka
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay soojeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15ka Febraayo 2021 lagu qabto Magaalada Muqdisho, halka Farmaajo uu dalbaday in lagu qabto Magaalada Garoowe. Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ku baaqay in la wada ilaaliyo nabad galyada iyo xasilloonida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaasi uu codsanayo inay goobjoog ka ahaadaan Ururada bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka si looga arrinsado badbaadada dalka heshiisna looga gaaro habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay. “ Sida aad la socotaan waxaa dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha iyo kana Baarlamaanka Federaalka, iyad aoo an hehsiis buuxa laga gaarin qabashada doorashooyinka Heer federal, saamileyda siyaasadeed ayaan ka wada qeyb-gelin shirarkii ay isugu yimaadeen Madaxda dowladda, dowlad Goboledyada & Gobolka Banaadir arrimahaas oo dalka geliyay xaalada cabsi ah ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu taageerayo go’aan walbo oo dalka lagu badbaadinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed kaas oo ay soo saaraan Musharixiinta xilka Madaxweynaha, dowlad Goboleedyada dalka, Bulshada rayidka ah iyo Beesha Caalamka. Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli loo balansan yahay in markale la qabto shir u dhaxeeya Madaxda dowladda, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo uu xalay iclaamiyay Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay dhamaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kalfadhiga 1aad Fadhigiisa 17aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji
In kabadan 300 oo ruux oo laga diiwaangeliyay Cudurka COVID-19 Soomaaliya
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee laga helay dalka Cudurka Coronavirus muddo 48
Hogaamiyaha Al-Shabaab oo farriin cusub si yaab leh isula barbar dhigay xilligan iyo xilligii Daraawiishta
Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay codka hoggaamiyaha ururkaas Axmed Cumar Abuu Cubeyda, isagoo ka hadlaya halgankii Daraawiishtii uu
Dagaal ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Baay & khasaaro ka dhashay
Dagaalka oo geystay khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab waxaa uu ku
Booliska Itoobiya oo qabtay hub iyo dadkii watay
Booliska ka howlgalla  Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya ayaa sheegay, in gacanta ku dhigeen  Hub si xeeladeysan loo soo galiyay Magalada Addis
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan badan ku daadisay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha ku dhow dhow Villa Somalia.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guryaha ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya la dejiyay dhalinyaro u daacad ah Madaxweyne Farmaajo, oo dharcad ah kuwaas oo