Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedRa’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagay Garoonka Balli-doogle (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagay Garoonka Balli-doogle (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah saldhig Ciidamada Mareykanka ku tababaraan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab.

Garoonka Balli-doogle oo ahaa garoon Milateri ayaa hada waxaa xero ciidan oo ay qeybna kaga sugan yihiin Ciidamada AMISOM, Ciidamo Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidan Mareykan ah oo aan tiradooda la ogeyn.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ku tagay xeradaas ayaa ahaa kii labaad, isagoo sanadkii hore sidan u booqday, waxaa kormeerka maanta ku wehliyay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka iyo Mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka

Mareykanka ayaa dhowaan ballaarin ku sameeyay garoonka Balli-doogle oo ah meel istiraatiiji ah, waxaa u qeybsan yahay dhowr qeybood oo isugu jira qeybo diyaaradaha ka soo degaan iyo qeybo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments