Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galaya shirka Amniga Qaranka ee Baydhabo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galaya shirka Amniga Qaranka ee Baydhabo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Amniga Qaranka.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad oo uu ka qeyb galo, tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaana bishii February aheyd markii u horeysay oo uu shirkii Amniga Qaranka uu ka qeyb galo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkan daba socda shirarkii kal hore lagu qabtay magaallada Muqdisho, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay qodobo waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed in ay ka soo bixi doonaan.

Shirkan oo socon doonna labo maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Qaranka, Madaxweyneyaasha Maamulada Gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, hanaanka doorashada 2020, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments