Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedSarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida oo lagu diley Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida oo lagu diley Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabad sugida qaranka ayaa gelinkii dambe ee maanta rag bastoolado ku hubeysan ku toogteen bartamaha suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu hore u soo noqday taliyaha ciidamada nabad sugidda degmada Waaberi waxaana lagu diley goob laga raaco gaadiidka dadweynaha.

Raggii ka dambeeyay dilka sarkaalka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen iyadoo ay gaareen ciidamada ammaanka. Mana aha markii ugu horeysay ee bartamaha suuqa Bakaaraha lagu dilo ciidamo ka tirsan dowlada federalka.

Dilka sarkaalkan ayaa ku soo beegantay xilli uu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay ciidamada dowlada inay la yimaadaan qorshe loogaga hortago weerarada ay ururka Alshabaab ka geystaan caasimada dalka ee Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments